Friday October 30, 2015 – Akhristow inta aanan u guda gelin qoraalkeyga iyo nuxurka uu xambaarsan yahay cinwaankiisuba bal aan wax yar ka hormariyo ujeeddada igu kalliftay inaan idinla wadaago qoraalkan iyo dareenkeyga gaarka ah ee ku aaddan badda Soomaaliyeed ee damaaacigu ka galay dawladda Kenya.
Sidaad la socotaanba dooddan ku saaabsan xuduudaha badda Soomaaliyeed waxey soo bilaabatay markii wasiir ka tirsan dawladdii ku meel gaarka ahayd ee ra’iisul wasaare Cumar C/Rashid uu heshiis is-af-garad ah la soo saxiixday dawladda Kenya bishii April 7, 2008. Heshiiskaas oo markii dambe waxba kama jiraan ay ku tilmaantay Qaramda Midoobay (UN) maadaama uu baarlamaanka Soomaliyeed uu hor istaagay sharcinamadiisa.
Iyadoo aqoonteyda gaaban ee cilmiga badaha iyo sharciyadoodaba ay i xakamayneyso ayaan waxaan ka mid ahaa aqoonyahannada iyo wax garadka Soomaaliyeed ee isku dayey inay fikirkooda ku biiriyaan doodda badda Soomaaliyeed. Waxaan ka mid ahaa dadka aaminsan in dawladda lagu taageero sidii ay u difaaci lahayd xuduudda badda iyadoo kaashanaysa dadka khibradda iyo aqoonta u leh cilmiga iyo xeerarka lagu maamulo badda iyo soohdimaheeda. Waxaan dhiirri gelinayey in aan la siyaasadayn murankan la gashey xuduudda badda ee waqti iyo hantiba la gesho sidii loo sharciyayn lahaa qalfoofka badda isla markaasna loo sugi lahaa xadkeennii horey noogu xardhanaa. Waxaan intii aqoontayda iyo dadaadlkeyguba ii saamaxeen isku dayey bal inaan wax ka ogaado waxa aasaaska u ah murankan iyo meelaha nalaka soo galayba taasoo ii suurto gelisay inaan la xiriiro mid ka mid ah khubarada Norway ee ku lug lahaa arrimaha xadaynta badda. Ka dibna dhowr qoraal ayaan kaga qayb qaatay dooddii socotay anigoo badanaaba taageersanaa mawqifka dawladda ee ahaa in aan laga fursanayn in dawladda Kenya lala gartamo si loo xalliyo muranka xudduudda badda. Waa kuwan labo ka mid ah qoraalladii aan dooddaas kaga qayb qaatay. Continue reading